NEWS 2008

 

Airspace adventures - came the aircraft just wrongly or with a hidden agenda?

Unknown unmanned air-reconnaissance vehicle or UAV has crashed on coast of Laasqoray

31.12.2007

Reports coming from coastal city of Laasqoray are reporting that an unknown unmanned air-reconnaissance vehicle or UAV had landed last night on Hayranyele town, 15 km west of Laasqoray.

Locals are saying that the plane looks like an American unmanned air-reconnaissance vehicle or UAV and others even claimed that the plane is Helicopter, More like a Blackhawk type.

The local security services are investigating and securing the plane as they have taken its wheels and now the helicopter is stranded on the sandy beach of Laasqoray.

Recently there has been frequent flaying of American air force over the Maakhir Coast and over the town of Galgala in Western Bari.

Local inhabitant in those areas are blaming the Puntland Authority of giving false information regarding on terrorist to American forces who patrols Somali coast that Sanaag coast and towns are harbouring some Al-shabab terrorist.

Since the declaration Maakhir this sort of claims from Puntland has increased and Puntland blamed Maakhirian of some terrorist act.

More reports and pictures of the plane it is on the way and we will publish soon

LaasqorayNET

Maxaa keeney iney Diyaarad Dagaal ay soo fariisato Laasqoray?

Maqaal: Waxaa dad badani oo ah Reer Laasqoray ah ay is weydiinayaan Maanta sababta dhabta ah ee ka danbeysey in diyaarad nooca dagaalka ahi ay soo fariisato degmada Laasqoray ee xeebta Maakhir, Sababo badan ayay dadku siinayaan iyadoo dadka qaarkood ay sheegeen iney tahay arintani in dagaal lagula jiro Warsangeli.

Waxaa jira oo hubaal ah in Gobolka Sanaag uu ku jiro marxalad adag iyadoo ay dadka deegaanka ay go'aansadeen iney sameystaan Maamul u adeega dantooda kana shaqeeya deegaankooda sida ay doonayaan iyadoo ay meeshaasi ka baxayaan labadii maamul ee sida xoolaha sheegan jirey gobolka Sanaag.

Tan iyo intii ay Puntland isu dhiibtey beesha hada ka talisa, Sanaag ama Maakhir waxay maamulkasi bilaabeen iney deegaanadan ku shaabadeeyaan magacyo iyo dadka deegaanka u dhashey oo laga iibgeeyey sayladaha iibka ee had iyo jeer laga iibiyo dadka lagu tilmaamey iney yihiin Argagixiso.

Waxaa jirtey dhacdooyin ay taasi markhaanti u tahay oo ay u weyntahay maalintii gurigii Bosaaso Jeebka lagu garaacey iyadoo dhalintii meesha ku jirtey ay qaarna dhinteen qaarnka dhaawac lagu qabtey.

Degmada Galgala oo dhowr jeer maalmuka Puntland uu isku dayey inuu saldhig milateri ka sameeyo iyo inuu deegaan ahaanba beesha hada maamulka haysa ay la wareegaan ayaa waxaa lagu shaabadeeyey iney ku sugan yihiin ciidamo Al-Shabaab ah, taasina ay kaliftey in ay magaaladaasi habeen iyo maalin ay dul taagan yihiin diyaaradaha Dagaalka ee Mareekanka.

Sheekadii raqiiska ahayd ee la yiri Baargal kooxo ayaa kasoo degey oo cadaatey iney been ahayd waxay horudhac u aheyd sidii Galgala loo weerari lahaa oo loogu soo hogaamin lahaa ciidamada Mareykanka oo aan aqoon dheeraad ah u lahay Maakhir ama Somaliada Waqooyiba.

Qorshahan oo LaasqorayNET ay wax ka ogaatey ayaa waxaa la rabey in xujo looga dhigo inaan qabiilka Warsangeli iyadoo lagu andocoonayo Baargaal oo ahayd Xaruntayadii Taariikheedba Weerar ayaa lagu qaadey.

Sidoo kale Magaalada Ceerigaabo buuraha dhinaca xeebta ka xiga ayaa waxaa had iyo jeer ku dul heehaabayey diyaaradaha Dagaalka ee Mareekanka iyadoo taasina ay dadka deegaanka ku fasireen in Maamulka Somali goyska ah ee Somaliland uu ka danbeeyey arintaas oo uu macluumaad khaldan uu siiyey ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale magaalooyinka Carmale iyo Damalle Xagere oo dhamaantood ku yaalaan Gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu dul arkey diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo weliba jawi hoose duulaya oo isla markaana dadka ka argagixisey.

Eedahana waxaa loo soo jeediyey in ay arintaasi ka danbeysey Somaliland oo ay ka dan leeyihiin in shaabada Puntland ay ku dhifatey Sanaag ay iyaduna ku dhiftaan oo isla markaana dadka deegaanka sida lagu gumaado.

Dadka qaarkood waxay ogsoon yihiin in Gobolkani uu hodon ku yahay khayraadka dabiiciga ah iyadoo ay labada maamulba doonayaan iney khayraadkaas gunta u galaan oo dhacaan taasina ma suurtoobeyso in maalin cad ay dhacaan laakiinse meelo ayay kasoo leexanayaan.

Diyaadarada maanta fadhida Laasqoray oo naloo xaqiijiyey iney tahay diyaarad dagaal oo mareekan ah kama muuqato in lasoo ridey ee waxaa ka muuqda in cilad xag farsamo ah ay usoo fariisatey xeebta isla markaana duuliyihii ay bad baadiyeen ciidamada Mareekanka ee badbaada ee raacsan Marines-ka.

Ugu danbeyn su'aasha meesha taala waxa weeye ma sidaas bay reer Maakhir uga aamusnaanayaan in deegaankooda Dowladaha aduunka lagu soo hogaamiyo? Miyeysan Habooneyn in Aduun weynaha loo cadeeyo waxay ay labadaas maamul ku hawlan yihiin? Miyeysan habooneyn in halbowlayaasha Dhaqaalaha ee Puntland la jaro oo wadada la xiro iyadoo maamulka lagu ciqaabayo dhibka ay geysteen ama ay geysan karaan? miyaan kan Somaliland lala tacaali karin oo dhaqaalaha aada Togdheer la xiri karin ileyn Deegaanka Maakhir buu maraa e?

Suaalahaasi waxay u baahan yihiin in laga jawaabo..

Raz Shirwa, London

War deg dega Diyaarad aan la garanayn Cida wadatey iyo Halka ayka soo Jeedo ayaa Soo Caga dhigatay Magaalada xayranyaale oo 15km u jirta Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag

Laasqoraynet: Waxaa saaka Daqiiqada ka hor La helay Diyaarad ah elikobter oo ah Nooca Rimuudka laga hago oo aan ilaa hada la garanayn Cida wata iyo Meesha laga leeyahay, waxaaan Diyaaradaasi Halkii lugu arkay ugu tegay oo taariyada Dhulka ka dhigat Duuliye ku xeelad dheer dhanka kicintaanka Diyaaradaha oo ku sugnaa Magaalada Xayrinyaale ee Degmada Laasqoray waxaana laga soo furay 4 Lugood oo ay diyaraadaasi ku taagnayd waxana ay hatan ku sugan tahay Meel dhinaca Galbeeb 15km Magaalada Lasqorayoo ah dhinaca Xeebta halkaasi oo lugu Magcaabo Degaanka Xayrinyaale oo ka tirsan Degmadaasi Laasqoray ee gobolka Sanaa.

Lama yaqaan Sababaha Rasmiga ah ee Diyaaradan Keenay Soonahaasi Gobolka Sanaag iyo Gaar ahaan Degaanka Laasqoray Waxaa arintani ay Noqotay Mid lala yaabo oo siwayn laysaga waydiiyo Gobolada Puntland iyo Gaar ahaan Gobolka sanaag Mana jirto cid ilaa iyo hada arimaha Diyaaradasi wax tafaasiira ka bixisay Diyaaradan ayaa waxaa uu sheegay Ninka bayloodka ah ee ku Tijaabiyey Duleeka Degmada Laasqoray inay ahayd Diyaarad ka mida Diyaaraha Sida Sharci darada ah u ugaarta Khayraadka Gobolka Sanaag .

Maamulka Gobolka Sanaag ee Makhir state Weli kama uu san soo saarin wax war ah balse waxaa jira Howlgalo dhanka Amaanka ah oo loogu kuur gelayo xaaladaha Gobolk Sanaag Sida ay Noo soo Xaqiijiyeen Masuuliyiin ka soo Jeeda Maamulka Gobolkaasi ee Makhir state Halkaasi oo uu ku suganaa Duub C/laahi shiik Maxamed iyo Odayaal kale oo ka soo Jeeda Degaankaasi Waxaan ay sugayaan Amaanka Diyaaradaasi tan iyo inta laga ogaanayo wax ay tahay.

Maxamed Axmed Ciise

Dhahar.com

 

 

WARSANGELI  HOME